Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirka 48-aad ee Booliiska dalalka Carabta

Image
Shirweynahaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Dalka Tuunis.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullahi Maxamed Kaniif ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka 48-aad ee Booliiska dalalka Carabta.

Shirweynahaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Dalka Tuunis, iyadoo taliyaha sidoo kale kulan dooceedyo la qaadan doono taliyayaasha Booliiska dalalka Carabta ee shirkan goobjooga ka ah.

Inta shirka socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa wanaajinta xiriirka nabadgalyada dawladaha carbeed, si gaar ah waxaa laysku waydaarsanayaa xogta danbiyada, dhagridda hantida maaliyadeed iyo sidii loo ilaalin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM