Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka Maaliyadda Jaamacadda Carabta

Image
Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heerka Wasiir-Maaliyadeed oo hal maalin ahaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeyb galay Fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabanayo Magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Bahrain. 

Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heerka Wasiir-Maaliyadeed oo hal maalin ahaa waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi ee dhaqaalaha Dalalka Carabta, in wadajir looga shaqeeyo horumarinta xasiloon ee dhaqaalaha iyo in la abuuro fursadaha sare loogu qaadayo maalaglinta.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo kulanka kadib qoraal kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter ka ayaa sheegay in sidoo kale shirka looga dooday arrimo muhiim u ah oo ay ka mid tahay horumarta dhaqaalaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM