Soomaaliya oo ka qeybgashay shirweynaha arimaha horumarka ICT-da

Image
Ujeedka shirkan ayaa ah dejinta qaab-dhismeedka iskaashiga dhijitaalka ah ee caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Cali (Soomaali) iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeybgalay Madasha (WSIS) World Summit for Information Society 2024 oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

Madashan waa Shirweynaha ugu weyn ee looga hadlo Arimaha Horumarka ICT-da, Waxaana lagu soo qaadanayaa guulaha la gaaray 20 sano guurada ka soo wareegtay xilligii la bilaabay Shirweynihii Adduunka ee Bulshada Warfaafinta oo lagu kala qabtay 2003-dii Caasimadda Geneva iyo Tunisiya 2005-tii.

Ujeedkiisa waxa uu ahaa qaab-dhismeedka iskaashiga dhijitaalka ah ee caalamiga ah iyadoo leh himilo lagu dhisayo aqoonta Bulshada, waxaana sidoo kale la eegidoonaa sida Teknoolojiyada dhijitaalka ah ay u taageeri karto horumarka mustaqbalka.

Wasiir Soomaali oo ka qeybgalay Dood wadaag loo qabtay Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee ka qeybgalay Madasha WSIS 2024 ayaa la wadaagay heerka Horumarka Teknolojiyada dalkeena.

Soomaaliya waxa ay u diyaarsantahay in ay ka faa'iideysato Isticmaalka Teknoolojiyada Dhijitaalka si loo helo horumar waara sida ku cad Siyaasadaha iyo Shuruucda ICT- ga Qaranka,  waxaa la dhisay Hey'adda Dhowrista Xogta Qaranka, waxaa meel fiican marayaa dhismaha Xarunta Xogta Qaranka iyo Horumarinta Amniga Saybarka,  xoojinta xarkaha Khadadka Internet  si kor looga qaado kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM