Soomaaliya oo Kamid Noqotay Dalalka Awoodda Ciidan ee Ugu Daciifsan 2025

Image

NAIROBI, Kenya - Soomaaliya ayaa kaalinta 142-aad ka gashay 145 dal oo lagu qiimeeyay Global Firepower Index 2025, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah ciidanada ugu tabarta daran caalamka. Waxaa ka hooseeya oo kaliya Bhutan, Benin, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Qiimeyntan sannadlaha ah ayaa lagu saleeyaa in ka badan 60 qodob oo ay ka mid yihiin tirada ciidamada, hubka iyo qalabka ciidan, miisaaniyadda difaaca, awoodda saadka, kheyraadka dabiiciga ah, iyo juquraafi ahaan inta ay gacanta ku hayaan.

Inkasta oo Soomaaliya ay hesho taageero weyn oo caalami ah oo ay bixiyaan dalalka Mareykanka, Turkiga, Midowga Yurub, iyo Ingiriiska — gaar ahaan tababaro iyo maalgelin — hadana caqabadaha siyaasadeed gudaha ah iyo istaraatijiyad qaran oo liidata ayaa hoos u dhigeysa waxtarka taageeradaasi.

Ciidamada Soomaaliya ayaa weli la tacaalaya la’aanta miisaaniyad ku filan iyo dhibaatooyin xagga saadka ah. Khubarada amniga ayaa sheegaya in ku tiirsanaanta tababarada shisheeye ay muujinayso nuglaanta istiraatiijiyadeed ee dalka.

Dalka Itoobiya ayaa kaalinta 52-aad ka galay, halka Kenya ay ku jirto kaalinta 83-aad. Jabuuti kama muuqato liiska 2025 balse waxay muhiim u tahay juquraafi ahaan, iyadoo martigelisa saldhigyo ciidan oo Mareykanka, Shiinaha, iyo Faransiiska leeyihiin.

Dalka ugu ciidan xooggan Afrika sanadkan waa Masar (19-aad), waxaa ku xiga Aljeeriya (26-aad), Nigeria (31-aad), Koonfur Afrika (40-aad), iyo Itoobiya (52-aad).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM