Soomaaliya oo loo ansixiyey mashruucii ugu horeeyey gaar u ah Cimilada

Image
Kal-fadhigan ayaa lagu qabtay magaalada Incheon Songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa ka qeybgalay Kalfadhiga 40aad ee Guddiga Sare ee Sanduuqa Green Climate Fund.

Kal-fadhigan oo lagu qabtay magaalada Incheon Songdo ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta lagu ansixiyey $100 Malyuun oo Doollar taasi oo lagu fulinayo Mashruuc kor loogu qaadayo Adkeysiga Cimillada ee Bulshada Soomaaliyeed. 

"Taariikh ayey aheyd maanta kadib markii uu mashruucani noqday kii ugu horeeyey ee gaar loogu ansixiyo dalka Soomaaliya iyo sidoo kale waa mashruucii ugu deg degta badnaa ee abid lagu ansixiyo kulanka Guddiga Sare ee GCF! , waxaana tani ay ku timid dadaalka Xukuumadda Dan-Qaran oo kaashaneysa bahwadaagta Caalamiga ah " ayey tiri Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi. 

"Soomaaliya waxa ay la timid ka go'naan wax loogu qabanayo dhibaatooyinka doorsoonka Cimilada, waxaana naga go'an inaan xoojinno iskaashiga gudaha iyo kan dibadda si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed," ayay tiri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM