Soomaaliya oo shuruud ku xirtey in ay wadahadal la gasho Itoobiya

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Midowga Afrika uu soojeediyay in Muqdisho iyo Addis Ababa ay miiska dushiisa ku xaliyaan is-maan-dhaafkooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa meesha ka saartey in wadahadal lala furayo Itoobiya illaa ay ka laabaneyso heshiis-beenaadka ay la gashay maamulka Somaliland.

Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Midowga Afrika gaar ahaan golahiisa ammaanka iyo nabadda uu soojeediyay in Muqdisho iyo Addis Ababa ay miiska dushiisa ku xaliyaan is-maan-dhaafkooda.

Balse, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in aysan suurtagal ahayn wadaxaajood ayna imaan karto marka la laalo heshiiskaas.

"Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dhammaan dalalka xubnaha ka ah AU, UN, iyo IGAD ay la yeelato xiriir faa’iido u leh labada dhinac kaasoo ku saleysan sharciga caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqo la wadaago," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM