Soomaaliya oo shuruud ku xirtey in ay wadahadal la gasho Itoobiya

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Midowga Afrika uu soojeediyay in Muqdisho iyo Addis Ababa ay miiska dushiisa ku xaliyaan is-maan-dhaafkooda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa meesha ka saartey in wadahadal lala furayo Itoobiya illaa ay ka laabaneyso heshiis-beenaadka ay la gashay maamulka Somaliland.

Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Midowga Afrika gaar ahaan golahiisa ammaanka iyo nabadda uu soojeediyay in Muqdisho iyo Addis Ababa ay miiska dushiisa ku xaliyaan is-maan-dhaafkooda.

Balse, war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in aysan suurtagal ahayn wadaxaajood ayna imaan karto marka la laalo heshiiskaas.

"Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dhammaan dalalka xubnaha ka ah AU, UN, iyo IGAD ay la yeelato xiriir faa’iido u leh labada dhinac kaasoo ku saleysan sharciga caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqo la wadaago," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM