Soomaaliya oo sideed qodob u aqoonsatay "khataraha amniga qaranka"

Image
Qodobadan ayaa waxaa lagu meelmariyay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka.

Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1. Argagixisada;

2. Aragtida Gooni-goosadka;

3. Dowlad-nugeylka;

4. Xuduudaha Beylahda;

5. Faragelinta Shisheeye;

6. Isbeddelka Cimilada;

7. Khatarta Tiknoolajiyadda;

8. Khataraha Bulshada;

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Khawaarijta waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM