Soomaaliya oo soo dhawaysay la wareegista Madaxtooyadda Suudaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa soo dhawaysay qabsashada Ciidamada Suudaan ee Aqalka Madaxtooyadda magaalada Khartuum, taas oo lagu tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo ku saabsan madax-bannaanida iyo nabadda Suudaan.”

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso militeriga Suudaan iyo Guulaha ay dagaalka ka gaareen, isla markaana ay sii wadayso xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

"Waxaan soo dhaweyneynaa tallaabadan muhiimka ah ee Ciidamada Suudaan dib ugula wareegeen Aqalka Madaxtooyadda," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeysey sida ay uga go'an tahay taageeridda midnimada, xasilloonida, iyo hay’adaha sharciyeysan ee Suudaan, iyadoo ballan qaaday in ay sii wadeyso taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Suudaan ee ku jira xaaladda cakiran ee ka dhalatay dagaalka Sokeeye.

Taageeradan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadamada gobolka iyo caalamka ee ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka iyo xasaradaha siyaasadeed ee ka jira Suudaan, iyadoo la rajeynayo in dalkaasi uu ku laabto nabad iyo xasilooni.

Xaalada Suudaan ayaa mudooyinkii dambe ahayd mid adag kadib markii uu bilowday dagaal sokeeye, iyadoo siyaasadda dalkaasi ay wajahday caqabado badan oo ay ka mid yihiin faragelin gudaha iyo dibedda, iyo xiisado siyaasadeed oo hor leh.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM