Soomaaliya oo taageero dheeraad ah waydiisatay Dowladda Finland

Image
Wasiirka aya kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Ku-xigeenka Danjiraha Finland u fadhiya Soomaaliya Marwo Nelli Mikkola.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala hadlay dowladda Finland xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo socdaalka.

Wasiirka aya kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Ku-xigeenka Danjiraha Finland u fadhiya Soomaaliya Marwo Nelli Mikkola.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan Soomaaliya, si looga guuleysto kooxaha Khawaarijta ah oo dhibaato ku ah amniga gobolka iyo midka caalamkaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM