Soomaaliya oo taageero dheeraad ah waydiisatay Dowladda Finland

Image
Wasiirka aya kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Ku-xigeenka Danjiraha Finland u fadhiya Soomaaliya Marwo Nelli Mikkola.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala hadlay dowladda Finland xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo socdaalka.

Wasiirka aya kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Ku-xigeenka Danjiraha Finland u fadhiya Soomaaliya Marwo Nelli Mikkola.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan Soomaaliya, si looga guuleysto kooxaha Khawaarijta ah oo dhibaato ku ah amniga gobolka iyo midka caalamkaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM