Soomaaliya oo taageero u raadineysa mashaariicda beeraha

Image
Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay qadiyadan kaasoo ay ka qeybgaleen madax kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir guddoomiyay Kulanka Isku-xirka ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo USAID/FCDO.

Kulankaan wuxuu isku keenay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, USAID, FCDO, iyo hey’adaha la-hawlgala si looga wada hadlo sida taageerada USAID iyo FCDO ay uga qayb qaadanayaan mudnaanta qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madasha waxaa kale oo lagu wadaagay xogaha ku saabsan mashaariicda socda iyo kuwa la qorsheynayo in ay bilaawdaan.

Inta shirka uu socday Caqabadaha taagan ee la isla arkay waxaa ka mid ah Mashaariic isku mid ah laga fuliyo deegaano isku dhow, taasoo keenta in kharash aan loo isticmaalin baahiyaha jira waxtarkuna yaraado.

Deegaano nugul oo aan helin adeegyo ku filan sababo la xiriira isku-xir la’aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM