Soomaaliya oo Wajahaysa Khatarta Dagaalyahanno Shisheeye oo Tababar Qaatay

Image

NAIROBI – Khatar cusub ayaa ka soo korortay gudaha Soomaaliya, iyadoo dagaalyahanno shisheeye oo si gaar ah u tababaranaya ay ka mid noqdeen kooxaha argagixisada, sida Al-Shabaab iyo Daacish, sida ay sheegeen khubaro amni iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed.

Dagaalyahannadan, oo badankood kasoo dagaalamay dalal ay colaado ka dhaceen sida Suuriya, Ciraaq iyo Yemen, ayaa la sheegay inay bixiyaan tababarro ciidan oo sare, taageero dagaal iyo talooyin la xiriira weerarrada, mararka qaarna ay sidaas u sameeyaan lacago darteed, mararka kalena sababo la xiriira fikir xagjirnimo.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo warbixin Qaramada Midoobay ay daabacday ayaa sheegay in khatarta ugu weyn ay tahay xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab. Xuutiyiinta, oo ay taageeraan Iran iyo kooxda Xizbullah, ayaa lagu eedeeyay inay hub iyo tababar siiyeen dagaalyahanno Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad ugu eedeeyay Xuutiyiinta inay hub u gudbiyeen Al-Shabaab iyo Daacish. Khubaro caalami ah ayaa ka digaya in arrintani ay dhibaato ku keeni karto xasilloonida Bariga Afrika, iyadoo ay khatar ugu jiraan dalalka deriska ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti.

Sidoo kale, burcad-badeedka Soomaaliyeed ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Gacanka Cadmeed, taasoo la aaminsan yahay inay la xiriirto falalka Xuutiyiinta ee Badda Cas. Waxaa la tuhunsan yahay in taas ay fursad u noqotay tahriibinta hubka loo gudbinayo kooxaha xagjirka ah.

Bishii Janaayo, koox ka tirsan Daacish oo ku sugan Puntland ayaa fuliyay laba weerar oo ay ku adeegsadeen diyaarado aan duuliye lahayn (drone), taasoo ahayd markii ugu horreysay oo ay adeegsadaan noocaas hubka. Al-Shabaab-na waxaa lagu tuhunsan yahay inay sidoo kale heleen diyaarado drone ah oo ka yimid Xuutiyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM