Soomaaliya oo xaadirtey shirkii ugu horeeyay madaxda Bariga Afrika

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal-jeedin ka sameeyay kulankan heerkiisu sareeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Dalladan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Xasan Sheekh ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo timaamay in Soomaaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.

“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Dalladdan. Soomaaliya waxa ay dhowaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM