Soomaaliya oo yeelatay xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha

Image
Waa adeegan hirgeliyay shirkad ay aasaaseen ganacsato Soomaaliyeed laguna magacaabo Aerosom.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa xarigga ka jartay xarunta dayactirka diyaaradaha oo markii ugu horeysay 34-Sano ka dib maanta dib loo howl geliyay .

Blue Hanger waa xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha lagu dayactiro ee burburkii ka dib laga hirgeliyo dalka, waxaana hirgeliyay shirkad ay aasaaseen ganacsato Soomaaliyeed laguna magacaabo Aerosom.

Wakiilada diyaaradaha ayaa ka caban jiray baahida dayactirka ay u tagi jireen wadamada deriska la Soomaaliya sida Kenya iyo Uganda.

Mana jirto xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda. 

Arrintan ayaa ka dhigan in ku dhawaad 130 duullimaad oo uu martigeliyo Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, ay heli doonaan adeegyo lagu hubinayo badqabkooda dalka gudihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM