Soomaaliya: Qarax Ka Dhacay Garoonka Baraawe Oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Qarax miino oo maanta ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday, iyadoo shan kale ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa miino lagu eegtay gaari NOAH ah oo kusii socday garoonka si uu u soo qaado qaad, waxaana gaariga qabsaday qaraxa miinada, taasoo keentay in waxyeello gaarto dadkii gaariga la socday.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxa, waxaana la xaqiijiyay in wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Carabeey uu ku geeriyooday. Sidoo kale, dad kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo hadda lagu dabiibayo Isbitaalka magaalada Baraawe iyo xarumo kale oo caafimaad.

Illa iyo hadda, ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, laakiin kooxda Al-Shabaab ayaa caadiyan fulisa weerarrada noocan oo kale ah.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan qaraxa, laakiin ilaa hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee magaalada Baraawe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM