Soomaaliya: Shan qof oo aano qabiil loogu dilay gobolka Mudug

Image
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug laga soo sheegayay falal la xiriira aargoosi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan ayaa shan qof oo isku qoys ah ku dilay weerar loo maleynayo aargoosi beeleed ka dhacay degaanka Saaxo oo ku yaalla galbeedka gobolka Mudug, iyadoo lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Faysal Sheekh Cali, ayaa sheegay in carruur iyo haween ay kamid yihiin dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerarkaas-na la xiriiro aano qabiil.

"Dadka halkaas lagu dilay waxay ahaayeen 11 qof oo isku guri ku wada noolaa, 5 ka mid ah way dhinteen – nin iyo xaaskiisa, walaashii, wiil uu adeer u ahaa iyo wiil kale oo uu adeer u ahaa, lixda kalena way dhaawacmeen," ayuu yidhi Faysal Sheekh Cali.

Wuxuu tacsi u diray dhammaan qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaa gobollada Galgaduud iyo Mudug laga soo sheegayay falal la xiriira aargoosi, sida ay sheegeen dadka ka soo jeeda bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, weerarkan ayaa dhacay maalmo kaddib markii afar wiil oo dhallinyaro ah lagu dilay fal aargoosi ah oo ka dhacay deegaanka Faragooy oo 20 KM u jira magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM