Soomaaliya : Shiikh Shariif oo ku eedeeyey DF ku dhaqanka qabiilka

Image

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo eedeymo culus u jeediyay habdhaqanka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda Muqdisho, Sheikh Shariif ayaa xusay in dowladda hadda jirta ay si weyn ugu milantay qabyaaladda, taas oo uu ku tilmaamay nasiib darro weyn. “Waxaan ka soo horjeednay maamulkii hore ma ahayn arrin qabiil, balse waxay ahayd aragti siyaasadeed. Haddana, waxaan aragnaa in dowladda hadda jirta ay qabyaaladda si aan habbooneyn uga shaqeyneyso,” ayuu yiri Sheikh Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa tilmaamay in qabiilku yahay wax meel xun ku dhammaada, isagoo ku boorriyay madaxda dowladda inay ummadda iyo naftooda ixtiraamaan. “Qabiilka iyo aflagaadada siyaasadeed waxay dhaawacayaan midnimada iyo horumarka dalka,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Sheikh Shariif ayaa sidoo kale ku eedeeyay dowladda hadda jirta inay ku kacayso ficillo ay hore u dhaliili jireen, sida isticmaalka lacagta si loo aflagaadeeyo siyaasiyiinta mucaaradka ah baraha bulshada. “Waxaan horay u dhaleeceyn jirnay in lacag lagu bixiyo baraha bulshada si loo aflagaadeeyo mucaaradka, haddana waxaan aragnaa in dowladda hadda jirta ay arrimahaas ku dhaqmayso,” ayuu yiri Sheikh Shariif.

Ugu dambeyntii, madaxweynihii hore ayaa ku baaqay in la isu soo dhawaado oo la xoojiyo midnimada qaranka, isagoo xusay in dalka uu baahan yahay isu soo dhoweyn iyo wadajir.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM