Soomaaliya: Taliye Sare oo lagu dilay dagaalka Aboorey, Hiiraan

Image

ABOOREY, Soomaaliya - Dagaal culus oo ka dhacay maanta kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay askar iyo taliye sare oo kamid ahaa Kumaandooska Danab ee Mareykanka uu tababarey.

Waxaa la xaqiijiyay geerida Taliyihii Ururka 164-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab, Asad Cismaan Afrax, ayaa maanta ku geeriyooday dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa laga saarey deegaanka, waxaana hadda ku sugan Ciidamada dowladda.

Dagaalkan ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana la isla gaaray ilaa galinkii danbe maanta. Geerida Taliye Asad Cismaan Afrax ayaa si weyn looga murugooday, iyadoo lagu tilmaamay geesi ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo door weyn ku lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sabtidii lasoo dhaafey, meel ku dhaw degmada Afgooye waxaa lagu dilay taliyihii guutada 14ka October ee Xoogga dalka Nuur Farey, kaasoo uu toogtay nin aan Ciidanka kamid ahayn oo kusoo dhex-dhiintay, kaasoo goobta lagu dilay.

Taliyeyaal dhowr ah ayay dowladda Soomaaliya ku waysay dagaalka Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay sanadkii 2022, waxaana ugu dambeeyay Nuur Farey iyo Asad Cismaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM