Soomaaliya: Taliye Sare oo lagu dilay dagaalka Aboorey, Hiiraan

Image

ABOOREY, Soomaaliya - Dagaal culus oo ka dhacay maanta kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhintay askar iyo taliye sare oo kamid ahaa Kumaandooska Danab ee Mareykanka uu tababarey.

Waxaa la xaqiijiyay geerida Taliyihii Ururka 164-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab, Asad Cismaan Afrax, ayaa maanta ku geeriyooday dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan. Al-Shabaab ayaa laga saarey deegaanka, waxaana hadda ku sugan Ciidamada dowladda.

Dagaalkan ayaa ahaa mid aad u culus, waxaana la isla gaaray ilaa galinkii danbe maanta. Geerida Taliye Asad Cismaan Afrax ayaa si weyn looga murugooday, iyadoo lagu tilmaamay geesi ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo door weyn ku lahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sabtidii lasoo dhaafey, meel ku dhaw degmada Afgooye waxaa lagu dilay taliyihii guutada 14ka October ee Xoogga dalka Nuur Farey, kaasoo uu toogtay nin aan Ciidanka kamid ahayn oo kusoo dhex-dhiintay, kaasoo goobta lagu dilay.

Taliyeyaal dhowr ah ayay dowladda Soomaaliya ku waysay dagaalka Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay sanadkii 2022, waxaana ugu dambeeyay Nuur Farey iyo Asad Cismaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM