Soomaaliya: Toogasho ka dhacday degmada Baardheere

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee degmada Baardheere ayaa dilay nin looga shakisan yahay inuu yahay xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii uu isku dayay inuu fuliyo dil qorshaysan xilligii Afurka, sida ay sheegayaan masuuliyiinta deegaanka.

Taliyaha ammaanka degmada, Axmed Cabdullaahi, ayaa sheegay in ninkaas oo ku hubaysan qori, uu rasaas riday markii ciidamada ammaanku isku dayeen inay qabtaan. Waxa uu ku dhintay rasaastii la is-dhaafsaday, hase yeeshee laba qof oo rayid ah oo joogay meel u dhow goobta ayaa dhaawacmay.

"Qofkan weerarka qaaday oo aan xogtiisa haysannay, waxa uu qorsheynayay inuu dil ka fuliyo goob dadka rayidka ah Afurka ku cunayay. Markii la isku dayay in la qabto, waxa uu sameeyay iska caabin isagoo adeegsanaya qori, waxaana lagu dilay goobta," ayuu yiri Taliyaha.

Dadkii dhaawacmay ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Baardheere. Masuuliyiinta maamulka waxay sheegeen in weli aan la shaacin magaca ninka la dilay, laakiin xaqiijiyeen inuu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Axmed Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka ee degmada ay yihiin kuwo feejigan, ayna diyaar u yihiin inay ka hortagaan wax kasta oo khatar ah oo ka yimaada kooxda Al-Shabaab.

Kooxdan ayaa inta badan bartilmaameedsata mas'uuliyiin dowladda, iyo ciidamada ammaanka ee la dagaallamaya iyo askarta AUSSOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM