Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Doolow

Image

DOOLOW, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare kala duwan dhaliyay oo maanta ka dhacay degmada Dooloow ee gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee ku sugan magaaladaasi.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii wafdi ka socday Jubbaland ay maanta ka soo dageen garoonka diyaaradaha Dooloow oo xayiraad dhinaca duulimaadka ah ay saarneed maalmihii la soo dhaafay, waxaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay diideen in wafdigaasi ay gudaha u galaan magaalada, taas oo keentay markii danbe inuu dagaal toos ah qarxo.

Ciidmada dowladda Soomaaliya ee joogay Dooloow oo isugu jirey Booliis iyo Nabad sugid ayaa dagaalka ka dib waxaa u soo gurmaday ciidamo Mileteri ah oo ku sugnaa magaalada Beled-Xaawo, xaaladda ayaana hadda ah mid cakiran.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka, balse si rasmi ah looma xaqiijin karo tirada saxda ah.

Saraakiil ka tirsan mileteriga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Beled-Xaawo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku wajahanyihiin magaalada Dooloow ee gobolkaasi Gedo.

Xiisadda u dhaxaysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa marba marka ka danbeysa waxa ay tahay mid ka sii daraysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM