Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay
MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ay shirka Muqdisho ka maqan yihiin madaxda mucaaradka iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, haddana Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay shirkan mid "guul ah," isagoo iska indha tiray kala qaybsanaanta siyaasadeed ee muuqata.
Xamse ayaa xusay in shirka uu yahay mid loo dhan yahay oo matalaya qeybaha kala duwan ee bulshada, inkastoo ay ka maqan yihiin Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kan Puntland Siciid Deni, iyo sidoo kale madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah, isagoo xusay in dhismaha dowladnimada iyo isbedelka qaran ay yihiin mudnaanta koowaad ee u baahan taxaddar iyo dadaal dhab ah.
“Soomaaliya waa inay u dhaqaaqdaa siyaasad mabda’ ku dhisan, oo muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan iyo in la doorto,” ayuu yiri. “Shirkan waa mid loo dhan yahay oo matalaya qeybaha kala duwan ee bulshada.”
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay midnimo muujiyaan oo ay garab istaagaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ka digay in xoogagga argagixisada ay guulo ka gaareen gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed, xilli dhaleeceyn lagu jeedinayo dowladda oo la sheegay inay xoogga saartay khilaafaadka gudaha.
“Gacan waxaan ku difaacnaa dalka, tan kalena waxaan ku dhiseynaa,” ayuu raaciyay.
Shirka wadatashiga oo la doonayo in lagu wajaho arrimaha muhiimka ah ee qaranimada iyo hannaanka dowlad dhiska, waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, siyaasiin, iyo bulshada rayidka ah. Si kastaba, hoggaamiyeyaasha Jubaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Deni ayaa ka maqnaaday shirka.
Sidoo kale, madaxda mucaaradka oo ay hoggaaminayaan madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan ka qeybgalin shirka, iyagoo dalbaday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud marka hore muujiyo daacadnimo iyo hufnaan siyaasadeed.
GAROWE ONLINE