Soomaaliya: Xasan Sheekh oo lagula taliyay in heshiis Abiy Axmed kahor mariyo arrimaha Gudaha

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa loogu baaqay inuu ka shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, halkii wakhti ku lumin lahaa heshiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Abiy Axmed ayaa ku casuumay Xasan Sheekh inuu tago Addis Ababa, oo Feb, 2024 is-hortaah ay Ciidamada Itoobiya ku sameeyeen xili uu kasoo baxayay huteelkiisa, kuna sii jeeday xarunta Midowga Afrika oo shir uga qeybgalayay.

Madaxweynaha ayaa mudnayd inuu ahmiyadda siiyo xasilinta dalka siyaasad ahaan iyo amni ahaan, kana taageerto dowlad goboleedyada ay ku jirto Puntland dagaalka kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, isagoo gaarsiinaya taageerada caalamka loogu talagalay ladagaallanka argagixisadda, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka.

Waxay sidoo kale ahayd halka uu Addis Ababa ka aadi lahaa inuu ka shaqeeyo isu-soo-dhawaanshaha gudaha, lana heshiiyo Maamullada Puntland iyoJubaland iyo siyaasiyiin Muqdisho, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore, Ra’iisul wasaareyaashii hore, iyo xubnaha mucaaradka ee baarlamaanka. Wuxuu kaloo ka leexday shaqada in la abuuro jawi ku habboon doorashooyin hufan iyo dhammaystirka dastuurka dalka.

Itoobiya ayaa doonaysa inay hesho bad ay isticmaasho, iyadoo dowladda Federaalkana taasi kala furtay wadahallo dhawaan bilowday.

Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado badan oo gudaha ah, iyadoo la dareemayo baahida loo qabo in la mideeyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, dowlad-dhiska, iyo xoojinta awoodda Ciidamada qaranka, oo sii burburaya, halkii ay ka dhismi lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM