Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay oo Sabti ah shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada Qaranka, isagoo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulanka xoogga lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa dadaallada lagu soo kabanayo jabkii dhowaan lagala kulmay dagaalladii ka dhacay furimaha hore, gaar ahaan degmada Aadan Yabaal iyo sidii loo bilaabi lahaa wajigii xigay ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus ay dhawaan ka dhaceen gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. Dowladda Federaalka ayaa wajahaysa cadaadis ku saabsan sidii ay u xoojin lahayd gulufka milatari ee ka socda qeybo ka mid ah dalka.

Warar hordhac ah oo laga helay Madaxtooyada ayaa sheegaya in sidoo kale lagu lafa-guray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan dhinacyada amniga, sahayda ciidanka, iyo kaalmada bulshada ee ay saameeyeen colaadaha.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka jeediyo khudbad ku saabsan natiijada kulanka iyo jihada cusub ee la qaadayo, iyadoo la filayo in tallaabooyin cusub lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.

Wararka ku saabsan kulankan iyo qorshaha cusub ee dowladda ayaa si weyn loogu wada sugayaa gudaha dalka iyo dibaddaba, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay si dhow ula socdaan isbeddellada ka socda dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM