Soomaaliya: Xog ku saabsan Ninkii dilay Korneel Nuur Farey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Macluumaad dheeri ah ayaa kasoo baxaya Ninka Sabtidii dilay Korneel Nuur Farey, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliyeed, kaasoo taliye u ahaa Guutada 14-ka October, oo la aas-aasay kadib qaraxii Zoobe 2017.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in Ninka dilka fuliyay uusan kamid ahayn ciidanka, iyadoo lagu ogaadey baaritaannada hordhaca ah in xitaa Qorigii uu watay uusan ahayn mid ka tirsan qalabka cutubka uu Korneelku hoggaamin jiray, taas oo keenaysa su’aalo badan oo aan wali jawaab loo helin.

Dilka ayaa ka dhacay xero ciidan oo ku taal duleedka Afgooye, halkaas oo Korneel Nuur Farey uu ku sugnaa isaga oo la hadlayay askar loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Sida ay sheegeen xogaha, ninkan ayaa si kedis ah u toogtay Korneelka, isaga oo uga dhuftay xabad madaxa, ka dibna wuxuu isku dayay in uu ka baxsado goobta. Si kastaba ha ahaatee, askar kale ayaa toogtay.

Baaritaanka ayaa tilmaamaya in ninkan aanu hore ugu jirin ciidanka, taas oo keentay su’aalahan: Sidee ayay ugu suurtagashay in uu askarta dhex-galo, isaga oo aan la ogaan? Goormuu yimid xerada? Yaa ka dambeeyay qorshahan dil ah? Saraakiisha amniga ayaa sheegay in uu ahaa weerar si taxadar leh loo qorsheeyay, waxaana hadda laga baarayo dhowr qof, oo ay ku jiraan askar ka tirsan xerada, si loo ogaado cidda ka dambaysay iyo sababta keentay in uu ku guulaysto in uu galo goobta.

Nuur Farey waxa uu ahaa sarkaal si weyn looga yaqaanay ciidanka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo muddo dheer ka qayb qaatay hawl-gallada ka socda gobolada Shabeellaha Hoose iyo Dhexe. Dilkiisa ayaa imaanaya xilli ciidanka ay la dagaalamayaan Al-Shabaab oo caasimadda hareeraheeda lagu arkay dhawaan.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda dilka, inkastoo Al-Shabaab ay inta badan bartilmaameed ka dhigtaan saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed. Dadka ehelka iyo saaxiibka la ahaa Nuur Farey ayaa sheegay in ay aad uga naxeen dhacdadan. Baaritaanka ayaa socda, waxaana la filayaa in ciidanka ay soo bandhigaan natiijooyin si loo caddeeyo xaqiiqada ka dambaysa dilka Korneel Nuur Farey.

Taliyaal dhowr ah oo muhiim u ahaa dowladda ayaa lagu dilay gobollada Galgaduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose tan iyo markii Xasan Sheekh ku dhawaaqay duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM