SSC-Khaatumo iyo Somaliland oo la filayo in ay is-weydaarsadaan maxaabiis dagaal

Image

LAASCAANOOD - Warar soo baxaya ayaa sheegaya in SSC-Khaatumo iyo Somaliland ay qorsheynayaan is-weydaarsi maxaabiis kooban, tallaabadan oo ay dad badan u arkaan fursad muhiim ah oo lagu bilaabi karo wadahadallo nabadeed oo rasmi ah.

Inkasta oo aan la shaacin tirada saxda ah ee maxaabiista la is dhaafayo, haddana arrintan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa isfaham horudhac ah oo labada dhinac ah.

Waxaa la sugayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waqtiga iyo goobta ay is-weydaarsigu ka dhici doono, iyada oo bulshooyinka labada dhinac ay si taxaddar leh ula socdaan horumarka xaaladda.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa ku dagaalamay Laascaanood iyo nawaaxigeeda, waxaana iska dileen dad badan, iyagoo iska qabsaday maxaabiis, ay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo askar. 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa booqday magaaladda, iyadoo ka dhagax-dhigay mashaariic dhowr ah, oo dowladda halkaas ka fulinayso.

Bishii Diseembar 2023, hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdicadiir Jaamac Aw-Cali (Firdhiye), ayaa soo bandhigay shuruudaha lagu sii deyn karo maxaabiista ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii ka dhacay gobolka Sool.

Mudane Firdhiye ayaa caddeeyay in sii deynta maxaabiista Somaliland ay dhici karto keliya marka heshiis nabadeed oo dhameystiran la gaaro, islamarkaana maamulka Somaliland uu joojiyo falalka kicinta ah ee uu ka wado deegaannada ay ku mideysan yihiin SSC-Khaatumo, oo kala ah gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in maamulkiisu haysto in ka badan 229 askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland, kuwaasoo lagu hayo laba xabsi oo ku yaalla magaalada Laascaanood. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM