Swan oo Xamsa ugu tagey xafiiskiisa kadib markii Shirka kusoo celin waayay Axmed Madoobe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Sii hayaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada qorshooyinka mudnaanta u leh dowladda sida xasillinta deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta, hirgelinta doorashooyin ay shacabka Soomaaliyeed ku doortaan madaxda dalka, iyo arrimaha bini’aadanimada.

Swan ayaa kasoo laabtay Kismaayo oo dhawaan socdaal ku tagey, halkaasoo uu kula soo kulmay Axmed Madoobe isagoo isku dayay inuu soo qanciyo oo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran dib ugu soo celiyo, balse ay fashilmeen dadaaladii uu sameeyay, sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen Garowe Online.

Shirka oo hadda burburay ayaa ka tarjumaya sida uu dalka usii kala tagayo siyaasad ahaan, isamarkaana ay ku adkaan doonto Xasan Sheekh inuu fuliyo balan-qaadyadiisii doorashadda oo ahaa inuu AS dalka ka xoreeyo iyo qabashadda doorasho qof iyo cod ah.

Axmed Madoobe ayaa ka diiday Xasan Sheekh qorshihiisa mudo kordhinta, iyadoo shirka arrimaha kale ee cabaqadda ku noqday ay kamid ahayd maqnaashaha Puntland, oo horey ugu eedeysay Villa Somalia inay baal-martay xeerarka iyo dastuurka dalka, taasina aan lagu wada-shaqeyn karin saamilayda dalka.

Xasan Sheekh ayaa wajahaya culeysyo badan oo uga imaanaya dhinaca Maamul Goboleedyada maadaama aysan ku qanacsanayn siyaasadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM