Sweden oo lacag ku siisay Dowladda Soomaaliya si ay u aqbasho muwaadiniin lasoo masaafurinayo

Image

Stockholm / Muqdisho — Dowladda Sweden ayaa lagu eedeeyay inay ku bixisay ku dhowaad $517,000 (shantii milyan ee Kronor) Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u aqbasho muwaadiniin Soomaali ah oo la masaafuriyay, arrin dhalisay buuq siyaasadeed iyo baaritaan cusub oo ka socda gudaha Sweden.

Warbixin uu daabacay wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa sheegaysa in lacagtaasi la bixisay bishii Abriil, iyadoo uu saxiixay Wasiirka Socdaalka ee Sweden Johan Forssell, waxaana lacagta la marsiiyay Hay’adda Qaramada Midoobay ee Socdaalka (IOM) ka hor inta aan lagu wareejin dowladda Soomaaliya.

Lacagtan ayaa la sheegay in loogu talagalay in Soomaaliya ay aqbasho 28 muwaadin oo hore looga soo masaafuriyay Sweden balse aan la aqbalin. Si kastaba ha ahaatee, eedeymaha cusub ayaa lagu tilmaamay kuwo muujinaya suurtagalnimada musuqmaasuq iyo lacag si dadban loo bixiyay.

Warbixinta DN ayaa intaas ku dartay in lacagtaasi ay maalgelisay saddex xil dowladeed oo ku jira Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, midkiiba lagu qaato in ka badan 100,000 Kronor bishii, isla markaana ay buuxiyeen qaraabo iyo dad ku dhow Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sida lagu sheegay warbixinta, dukumiintiyadii hore ee dowladda Sweden ay ku haysay arrintaasi waxay ahaayeen “madhan,” halka markii dambe la sii daayay warbixinno si weyn loo tirtiray iyada oo lagu sababeeyay “sirta arrimaha dibadda.”

Wasiirka Socdaalka Johan Forssell ayaa si adag u diiday eedeymaha, isagoo sheegay in lacagtaasi aysan ahayn “musuq” balse ay ahayd qayb ka mid ah “iskaashi siyaasadeed oo ku saabsan socdaalka.”

“Waxay ahayd arrin la xiriirta in dalalku ay aqbalaan dadka dembiyada culus ka galay Sweden, oo ay ku jiraan kuwa ku xadgudbay dadka,” ayuu yiri Forssell, isagoo ku adkeystay inaan jirin caddeyn muujinaysa wax musuq ah.

Si kastaba, xisbiyada mucaaradka Sweden — oo ay ka mid yihiin Social Democrats, Left Party, iyo Green Party — ayaa dalbaday in la baaro Forssell, halka Green Party ay si toos ah u dalbatay is-casilaaddiisa.

“Musuq toos ah oo la siiyay dowlad Islaami ah,” ayuu yiri Morgan Johansson, afhayeenka arrimaha dibadda ee Social Democrats.

Safaaradda Sweden ee Nairobi ayaa hore u ka digtay lacagahan, iyadoo ku tilmaantay “go’aan waali ah” oo khatar ku ah sumcadda dowladda Sweden.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli aan ka hadlin arrinta, balse waxaa hore loogu eedeeyay musuq iyo maamul xumo, gaar ahaan lacagihii loogu talagalay ciidanka gaarka ah ee Danab, taas oo sababtay in Mareykanka uu gooyo qayb ka mid ah taageeradiisii maaliyadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer difaacay dowladdiisa, isagoo ku adkeystay in ay ka go’an tahay la dagaallanka musuqmaasuqa, inkastoo eedeymaha noocan ah ay sii wiiqayaan kalsoonida caalamka ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 5,000 oo Soomaali ah oo u tahriibay Yurub 8-kii bilood ee la soo dhaafay

Dalka waxaa ka jira xasilooni darro siyaasadeed iyo amni xumo, iyadoo kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS ay nolosha ka dhigayaan mid adag.

  • Soomaliya

    29-10-2025

  • 09:19AM

Khabiirka UN: Soomaaliya wali waa dal nugul oo u baahan taageero joogto ah iyo wadahadal siyaasadeed

Khabiirkan Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mudnaanta siiso ilaalinta xuquuqda aadanaha.

  • Soomaliya

    28-10-2025

  • 12:52PM