Taakeeye iyo Kooxdiisa oo xukuno kala duwan lagu riday

Image
Taakeeye ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa maanta xukun ka soo saartay Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), iyada oo ku xukuntay 2 Sano oo il ku hayn ah.

Sufyaan ayaa lagu soo eedeeyey aas-aasida Xisbi ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo faafiyo fikrado liddi ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladnimmada iyo sidoo kale Taageeridda Ficilada foosha xun ee Argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya Siddeed iyo labaatankii September 2023.

Waxaa sidoo xukun lagu riday Sarkaal dhanka Online-ka kaga biiray kooxda Taakeeye laguna magacaano Dable Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Yaasiin ayaa la sheegay inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, waxaana laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Dhinaca kale Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere) oo isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM