Tahriibeyaal Soomaali oo laga soo daayay magafeyaal u dhashay Sudan

Image
Sii deynta dhallinyaradaan waxaa suurto galiyay Hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan. 

MUQDISHO, Soomaaliya - Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan, Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif. 

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood) ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.  

Sii deynta dhallinyaradaan waxaa suurto galiyay Hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan. 

Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM