Taliska Ciidamada Itoobiya oo sheegay in ay gacanta ku hayaan 60% ee dhulka Soomaaliya

Image
Taliyaha Ciidamada ayaa sheegay in hadii ciidamadiisa ka baxaan dalka ay AS la wareegi doonaan Muqdisho.

Addis Ababa (GO) - Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya General Birhanu Jula ayaa wareysi oo siiyay warbaahinta dalkaasi ku sheegay hadallo ka dhan ah madaxbanaadida dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ayaa wareysiga ku sheegay in Ciidamada Itoobiya ay haataan gacanta ku hayaan in ka badan 60% ee dhulka Soomaaliya isla markaana ilaaliyaan dowladda Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku daray in Dowladda Soomaaliya lagala wareegi doono magaalada Muqdisho, hadii ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ciidamada Itoobiya waxay ka qeyb galeen dagaallo culus oo ay la galeen kooxda AS, waxaana ammaanka Soomaaliya darteed looga dilay askar badan, dhiig badanna uga daatay”.

Jeneraal Birhanu Jula ayaa hore u hogaamiyay howlgallo ay Ciidamada Itoobiya ka fuliyeen qaar ka mid ah gobollada dalka sida Baay, Bakool, iyo Galgaduud.

GAROWE ONILNE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM