Taliyaha AFRICOM oo Xasan Sheekh Muqdisho kula kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa magaaladda Muqdisho booqasho gaaban ku tagey Taliyaha AFRICOM  General Michael E. Langley xili dowladda Soomaaliya mudo sanad ah hakad ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Villa Somalia ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay kawada hadleen labada dhinac xiriirka iskaashiga amniga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka iyo sidoo kale la dagaalanka argagaxisadda.

Safriika Mareykanka ayaa qeyb ka ahaa kulanka oo imaanaya iyadoo taliyaha Howlgalada gaarka AFRICOM Colonel David Haskell uu Axadii booqday degaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhawaan Al-Shabaab laga saarey.

Mareykanka ayaa kaalinta 1aad uga jira dalalka dowladda Soomaaliya ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo dalka ka joogeen boqolaal askari oo saldhigyo ku leh Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose.

Wuxuu Mareykanka tababar siiyaa oo gacanta ku hayaa Danab, oo ah qeybta howlgallada gaarka u qaabilsan Ciidanka xoogga dalka, kuwaasoo saldhigoodu yahay degaanka Baled-doogle oo Shabeellaha Hoose ku yaalla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM