Taliyaha Booliska Soomaaliya oo amar dul-dhigay saraakiisha amniga Muqdisho

Image
Asad Diyaano ayaa kormeeray xarunta CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta dambi baarista Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee CID iyo Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir, si uu ugu kuur galo adeegyada ay xarumahani u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Taliyaha oo sii wata kormeerkiisa u kuur galidda habsami u socodka howlaha shaqo ee xarumaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gaaray Xarunta Taliska Qaybta Guud ee Boliiska gobolka Benaadir, halkaasi oo uu kulan kula qaatay, Taliska Qaybta iyo Saraakiisha ammaanka gobolka Benaadir.

Taliyaha ayaa Saraakiisha ka dhageystay Warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee Caasimadda, howlgallada guuleystay ee looga hor tagay isku dayada qalqal galinta amniga ee Al-Shabaab iyo qorsheyaasha cusub dardarlinta sugidda ammaanka magaalada Muqdisho, isaga oo faray in ay labanlaabaan dadaalkooda, si shacabka Soomaaliyeed u helaan kalsooni amni oo dhammeystiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dastuurka iyo Doodda Taagan: Is-bahaysiga Mucaaradka oo kordhiyay cadaadiska Villa Somalia

Madaxda Puntland iyo Jubaland, oo uu weheliyo Golaha Mustaqbalka, ayaa dalbanaya in shirka lagu qabto xerada Halane.

  • Soomaliya

    11-02-2026

  • 01:30PM

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM