Taliyaha Ciidanka Xoogga oo booqday degmada Xarardheere

Image
Booqashadan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan AS ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano ka tirsan Galmudug.

Xarardheere, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa booqasho ku tagay magaalada Xarardheere ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa la kulmay Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada iyo saldhigyada ka howlgala deegaanada hoos yimaada.

Kulankan ayaa looga hadlay weerarada ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta amaanka magaalada oo Janaayo 2023 lagala wareegay kooxda AS.

Kooxda AS ayaa dhawaan la wareegtay deegaano badan oo dhaca gobolka Galgaduud iyo Mudug kuwaas oo ay isaga baxeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Khubarada dhanka ammaanka ayaa rumeysan in goobaha ay ciidamadu ka baxeen ay sidoo kale khalkhal geli karaan gacan ku haynta Xarardheere.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM