Taliyaha sirdoonka Soomaaliya oo gaarey degmada Maxaas

Image
Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiin uu ku jiro Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA) Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo aay wehliyaan Xildhibaanno iyo siyaasiin ayaa gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga taliyaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble, Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Ciidamada Difaaca Deegaanka Cali Jeyte Cismaan Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax.

Maamulka demada Maxaas masuuliin kala duwan saraakiil ciidan ayaa wafdiga kusoo dhaweeyay degmada Maxaas.

Masuuliyiintan ayaa degmada Maxaas u soo gaaray dhameestirka shirweynaha mid kamid ah beelaha degan gobolka Hiiran oo ka socdey degmada Maxaas, isla markaana uu go-gosha shirka uu dhigay Taliyaha hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM