Taliye Asad Diyaano oo baaq kasoo saarey sugida amniga Muqdisho

Image
Dardaarkan ayuu ku jeediyay Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska oo ka qabsoomay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ee Taliska Boliiska kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka qeybgaleen Taliyaasha hoggaanada,Fadhiyada Madax banaan iyo Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray dardar galinta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka Kooxaha Khawaariijta.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM