Taliye iyo askar ilaalo u ahayd oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya

Image
Falkan ayaa ka dhacay Qoryooley oo 120-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta lagu dilay taliyihii ciidamada dadka degaanka iyo labo askari oo ilaalo u ahaa.

Cismaan Cali Jiis oo ahaa taliyaha ayaa lagu toogtay gudaha magaalada, balse ma cadda xogta dhabta ah ee ka dambeysay weerarka.

Ilaa iyo hada ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka oo ku aadan falkaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilkaasi.

Arintan u danbeysey ayaa kusoo beegmeysa xili dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil ay ka dhacayeen magaalada hodanka ku ah beeraleyda, kuwaasi oo horey mas’uuliyiinta deegaanka ay ku xaliyeen heshiis dhex dhexaadin ah oo dhex maray dhinacyadii dagaalamay.

Qoryooley oo 120-KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib ugala wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya Al-shabaab sannadkii 2014-kii, kaddib howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa weli ku sugan magaalada, iyagoo ciidamada deegaanka ka caawinaya dhanka ammaanka iyo ilaalinta gacan ku haynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hormuud Salaam Foundation oo Xarigga Ka Jartay Laami Muhiim ah oo Ay Ka Dhistay Xaafadda Calanleey ee Kismaayo

Laamigan cusub, oo ay maalgelisay Hormuud Salaam Foundation waxaa hirgelisay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj.

  • Soomaliya

    14-05-2025

  • 06:24PM

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM