Talyaaniga oo xayiraad dhanka fiisaha kusoo rogay Soomaaliya

Image
Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga X safaaradda Talyaaniga ku leedahay magaaladda Nairobi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in si deg deg ah ay u joojisay qabanqaabada fiisaha Schengen ee codsiyada laga soo gudbiyay safaaradda ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.

Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga X safaaradda Talyaaniga ee Nairobi, waxayna tiri: "Fadlan waxaa la ogaysiinayaa in safaaradda Talyaaniga ee Nairobi ay joojisay soo saarista fiisaha Schengen ee dhammaan codsiyadaas oo ay qabanqaabisay safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho, fadlan la xiriir safaaradda Talyaaniga ee Nairobi".

Inkastoo aan si rasmi ah loo sheegin sababta rasmiga ah ee ka danbeysa joojintan, hadana talaabadan ayaa timid kadib markii gudiga Midowga Yurub uu soo jeediyay xayiraad cusub oo dhanka fiisaha ah oo lagu soo rogay Soomaaliya bishii July 2024.

Soo jeedinta Midowga Yurub ayaa looga gol leeyahay in la kordhiyo wadashaqeynta Soomaaliya ee dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka gudbay ama galay Midowga Yurub iyada oo aan lahayn dukumeenti sax ah.

Hindisahan, ayaa la sugayaa inuu ansixiyo golaha Midowga Yurub, waxaana la doonayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed la siiyo dal-ku-gal keli ah, lana kordhiyo kharashka fiisaha, iyo in la kordhiyo wakhtiga codsiga oo ah 15 ilaa 45 maalmood.

Intaa waxaa dheer, Midowga Yurub waxaa laga yaabaa inuu hakiyo xeerarka qaarkood ee u baahan soo gudbinta dukumeentiyada taageeraya codsiyada fiisaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM