Tartanka Dowlad-Goboleedyada oo dib loo dhigay kadib weerarkii baska ciyaartoyda Koonfur Galbeed

Image
Weerarka Baska ayaa sabab u noqotay dhaawaca tiro ciyaartooy ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ْXukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed oo ay maanta soo saartay ku sheegtay in dib loo dhigay tartankii maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir muddo 3 maalmood ah.

War-saxaafadeed-ka ayaa lagu yiri: “Waxaan idinku wargalinaynaa in la hakiyay Cayaaraha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo dib loo dhigay mudda 3 (Sadax) maalin ah, iyadoo la ciyaari doono ciyaarta ugu soo horaysa maalinta Talaadada oo taariikhdu ku began tahay: 16st January 2024”

Dib u dhacan ayaa yimid kadib markii Baska ciyaartoyda maamulka Koonfur Galbeed ay taageeryaasha xulka Galmudug ku weerareen waddooyinka magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Tababar ku xigeenka xulka KG Cabdinuur Mayama.

Dhacdadan oo si weyn loo dhaliilay ayaa sabab u noqotay dhaawaca tiro ciyaaryahanno ah oo xulka ka tirsan, kuwaas oo isbitaal loo dhigay dhaawacyo dhexdhexaad ah iyo kuwo halis ah.

Xulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inay isaga hareen tartanka, ka dib shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiirka Isboortiga ee maamulkaas, Salmaan Cali, iyadoo tani ay tahay markii labaad ee sidaas loo weeraro.

Ilaa hadda ma jirto wax tallaabo ah oo ay qabanqaabiyayaasha tartankan ka qaadeen taageerayaashii weerarka geystay, mana jirto wax raalligelin ah oo rasmi ah oo la siiyay Xulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM