Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Image

Washington, May 6, 2025 (GO) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in Maraykanku uu joojin doono duqeymaha uu ku hayo Xuutiyiinta Yemen, kadib markii kooxdaasi oo xiriir la leh Iran ay oggolaadeen inaysan mar dambe carqaladeyn marin-biyoodka muhiimka ah ee Bariga Dhexe.

Shir jaraa’id oo ka dhacay Xafiiska Oval-ka ee Aqalka Cad, oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney, ayuu Trump ku sheegay in Xuutiyiintu ay muujiyeen doonis ah inay dagaalka joojiyaan. Si faahfaahsan ugama uusan hadlin fariinta ay soo direen balse wuxuu yiri:

“Waxay yiraahdeen fadlan ha na soo duqeynina mar dambe, ma weerari doonno maraakiibtiinna,” ayuu Trump yiri.

Xuutiyiinta ayaa bilihii u dambeeyay gantaallo ku garaacayay Israel iyo maraakiibta maraya Badda Cas tan iyo markii Israel ay bilowday duullaanka Gaza, kadib weerarkii dhimashada badan lahaa ee ay kooxda Xamaas ku qaaday Israel 7-dii October, 2023.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu aaminsan yahay ballanqaadka Xuutiyiinta ee ah inaysan mar dambe weerar ku qaadi doonin maraakiibta mara marinnada muhiimka ah.

Xiisadaha gobolka ayaa cirka isku shareeray tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza, balse waxay sii korodhay Axaddii, kadib markii gantaal ay Xuutiyiintu rideen uu ku soo dhowaaday garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israel, taasoo keentay in Israel ay Isniintii duqeyn ku qaaddo dekadda Hodeidah ee Yemen.

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Sanca, taasoo ahayd duqeyntii labaad oo ay Israel ku qaado Yemen laba maalmood gudahood, iyadoo lala beegsanayo Xuutiyiinta taageerada ka hela Iran kadib sii kordhaya khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM