Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo
WASHINGTON (GO) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulan uu Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, kusoo bandhigay jaraa'id kala duwan uu ku sheegay inay caddeynayaan tacaddiyo lagu hayo dadka cadaanka ah ee dalkaasi — eedeymo horey loogu sheegay inay sal iyo raad toona lahayn.
Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan oo uu ku sheegay iney yihiin “muuqaallo iyo maqaalo” la xiriira xasuuq ka dhan ah beeraley cadaan ah. Mid kamid ah qoraallada uu muujiyay wuxuu kasoo baxay bog wararka lagu daabaco oo aan caan ahayn, isagoo wata sawir laga qaaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo — taasoo meesha ka saaraysa sheegashadii ahayd ee la xiriirtey dhibaatooyinka ka dhaca Koonfur Afrika.
“Dhimasho ayaa meel walba ka socota,” ayuu Trump yiri, isagoo bogagga u rogaya si caro leh. “Kuwaan waa dad dhowaan la dilay.”
Trump iyo taageerayaal siyaasadeed oo raacsan ayaa marar badan ku celceliyey eedeymo ah in beeraleyda cadaanka ah ee Koonfur Afrika si gaar ah loo beegsado, balse dowladda Koonfur Afrika ayaa si adag u beenisay.
Trump ayaa sidoo kale soo bandhigay maqaal uu sheegay inuu muujinayo qabiilaysi iyo colaado gudaha Afrika ah, kaasoo laga helay bog la yiraahdo American Thinker, kuna lifaaqnaa sawir muujinaya shaqaale Bisha Cas ah oo wata jawaano mayd ah.
“Waa xabaalo meel walba ku yaalla,” ayuu yiri Trump. “Kuwaan waa beeraley cadaan ah oo la dilay.”
Laakiin sawirkaasi ayaa markii dambe lagu ogaaday inuu ahaa muuqaal laga jaray fiidiyow duugoobay oo laga qaaday Goma, Congo, intii lagu guda jiray rabshado ka dhacay xabsi halkaas ku yaalla, halkaasoo haween lagu kufsaday laguna gubay intii ay socdeen israsaaseyn iyo jabsasho xabsiga ah.
Muuqaalkaas waxaa markii hore baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters, waxaana si rasmi ah u faafiyay warbaahinta WION ee dalka Hindiya.
Warbixinno rasmi ah oo laga helay Koonfur Afrika waxay muujinayaan in in ka badan 70 qof la dilo maalin kasta, inta badan dadkaasna ay yihiin dhalinyaro madow oo ku nool magaalooyinka waaweyn, taasoo si cad uga hor imaaneysa sheekada Trump ee ah in dadka cadaanka ah si gaar ah loo bartilmaameedsado.
GAROWE ONLINE