Tuhunka ku wareegsan heshiiska shidaal baarista Turkiga iyo Soomaaliya

Image
Daah-furnaan la’aantan ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ka dhigtay in aysan ka warqabin xogta ku xeeran heshiisyada

MUQDISHO, Soomaaliya - Ilo ku dhow dhow Wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Maxamed ayaa tilmaamaya in heshiiska shidaal baarista ee Soomaaliya iyo Turkiga "loo arko mid aan cadaalad ahayn".

Wararka ayaa sheegaya in Turkiga lagu wado in 90% uu helo faa’iidada ka soo baxda baarista shidaalka, iyadoo Soomaaliya ay hesho 10% oo kaliya.

Sidoo kale, ilo xog ogaal ah ayaa daaha ka qaaday in wada xaajoodka uu mas’uuliyiinta Turkiga uu garwadeen u ahaa wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo isna u ahaa turjumaan ay ku kalsoon yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac laga qabo xulafada Nuur, maadaama ay ilo-wareedyadu sheegeen inuu yahay qof Turkiga ku kalsoon yahay, isla markaana uu noqon karo qof laba-jibbaaran oo xiriir dhow la leh dalal badan oo shisheeye ah.

Warbaahinta ayaa isku dayday in ay la xiriirto mas’uuliyiinta Wasaaradda, balse ma suurta gelin, iyadoo Wasiirada Soomaaliya ay xayiraad kala kulmayaan Madaxda sare ee dalka, taasi oo u diidaysa inay la hadlaan Warbaahinta.

Daah-furnaan la’aantan ayaa dad badan oo Soomaaliyeed ka dhigtay in aysan ka warqabin xogta ku xeeran heshiisyada ay labada dhinac wada gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM