Turkiga oo iska soo wareejinaya maxaabiis Soomaali ah

Image
Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda ee dalka Turkiga Ramazan Can ayaa qaddiyadan soo hadal-qaadey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda ee dalka Turkiga Ramazan Can ayaa shalay magaalada Ankara kula kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Fathudin Ali Ospite oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal ee ku aaddan hannaanka caddaaladda ee labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii dib loogu soo celin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalka Turkiga. Danjire Ospite ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadkan loo ogolaado in inta ka harsan xukunkooda ay ku dhameystaan ​​gudaha Soomaaliya iyo in ay ka ag dhawaadaan qoysaskooda.

Xeeldheerayaasha ayaa soo jeedinaya in heshiiskan oo kale uu faa’iido u leeyahay labada dal. Dhanka Turkiga, waxay dhimi doontaa kharashaadka la xiriira daryeelka maxaabiista, oo ay ku jiraan cuntada, kharashyada caafimaadka, iyo maamulka xabsiga. Dhanka Soomaaliya, waxay u oggolaanaysaa maxaabiista inay la midoobaan qoysaskooda oo ay dib ugu biiraan bulshadooda.

Wasaaradaha Cadaaladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa la filayaa in ay sii wadayaan wada xaajoodyada lagu dhameystirayo qaban qaabada ku aadan sidii maxaabiista Soomaaliyeed loogu soo wareejin lahaa dalkooda hooyo, si ay ugu dhameystaan ​​inta ka harsan xukunkooda.

Dhinaca kale, 157-qof oo muwaadiniin Soomaali ah oo isugu jiray rag, haween iyo carruur oo ku xayirnaa magaalada Cadan ee dalka Yemen, ayaa Isniintii dib loogu celiyay Soomaaliya, iyadoo ay iska kaashadeen safaaradda Soomaaliya ee Yemen, UNHCR iyo FMF.

Sanadihii u dambeeyay, dowladda Soomaaliya ayaa fududeysay soo celinta qaxootiga, maxaabiista iyo muhaajiriinta ka imaanaya dalal ay ka mid yihiin Hindiya, Yemen, Suudaan, iyo Liibiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM