Turkiga oo Kordhiyay Taageerada Difaaca Soomaaliya

Image

Dowladda Turkiga ayaa toddobaadkan xoojisay taageerada milatari ee ay siiso dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Taageeradan cusub ayaa timid kadib wada-hadal taleefan oo dhexmaray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejiyay saddex diyaaradood oo dagaal ah oo nooca T129 Atak ah, kuwaas oo si gaar ah loogu talagalay inay kor u qaadaan awoodda hawada ee ciidamada Soomaaliya. Diyaaradahaan ayaa la sheegay in loo adeegsado howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, Turkiga ayaa ciidamada badda Soomaaliya ku wareejiyay laba diyaaradood oo adeegyo badan leh (utility helicopters), kuwaas oo qeyb ka ah heshiis difaac oo labada dowladood kala saxiixdeen bishii February 2024. Heshiiskaas ayaa dhigaya in Turkigu ka caawiyo Soomaaliya dhisidda ciidan badeed awood leh oo badbaadin kara xeebaha dalka.

Sanadkii la soo dhaafay, Turkiga waxa uu tababar u fidiyay duuliyayaal Soomaali ah si ay ugu shaqeeyaan diyaaradaha nooca Atak ah. Shixnadda diyaaradaha ayaa la keenay Muqdisho kadib markii duuliyayaashu dhammeeyeen tababarkoodii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. Waxa uu sidoo kale ballanqaaday in taageeradaas la ballaarin doono si loo xasiliyo dalka, iyadoo la tixraacayo doorashooyinka qof iyo cod ee la filayo inay dhacaan sanadka 2026.

Taageerada milatari ee Turkiga ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Soomaaliya ay wajahayso xaalad amni oo cakiran, islamarkaana ay sii kordhayaan weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka geysanayso qeybo badan oo dalka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd awoodda ciidamadeeda si ay ula tacaalaan khatarta argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM