Ugu yaraan 30-qof oo dagaal beeleed loogu dilay HirShabelle

Image
Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin iska horimaadyadaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaan ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay in uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah. Sababta saxda ah ee iska horimaadka ayaan weli kala cadeyn.

"Jawiga waa mid kacsan, dadkuna waxay ka walaacsan yihiin in dagaal kale uu qarxo," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Inkastoo dowladda federaalka ay horay u wadeen dadaallo lagu xallinayo khilaaf beeleedyada soo noq noqday ee ka dhacay deegaannada maamulka Hirshabeelle, ayaa haddana dhacdadii ugu dambeysay waxay muujineysaa sida ay u jilicsan tahay nabadda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin iska horimaadyadaas, mana aysan soo bandhigin tallaabo deg deg ah oo xaaladda lagu qaboojinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM