UN-ka oo soo farageliyay khilaafka Jubaland iyo Villa Soomaaliya

Image
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka degay Kismaayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Axad ah aqalka Martida ee magaalada Kismaayo kula kulmay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan iyo wafdigii la socday. 

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, iyadoo looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qodobo kale oo xasaasi ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka iyo wadashaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamuladda ayaa sidoo kale miiska la keenay. 

"Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo," ayay tiri Jubaland State House.

Qoraalka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee siyaasada dalka, bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo qodobo kale".

Wadahadalladan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowlad goboleedkan Jubaland iyo dowladda federaalka.

Xiisadan ayaa ku saabsan qaabka doorashada heer qaran iyo heer dowlad goboleed ee soo socota, taasoo ah arrin muhiim ah oo horseedday burburkii shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan ka dhacay magaalada caasimada u ah waddanka ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM