Villa Somalia oo Amaro Ka Soo Saartay Laftagareen Kadib Kulan Dhacay

Image

Muqdisho , Soomaaliya - Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyay tallaabooyin siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Wararkani waxay ka yimaadeen shir gaar ah oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ilo-wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in wada hadal lala geli karo Laftagareen oo kaliya marka uu yimaado Muqdisho, isla markaana aan wax gorgortan ah lagala geli doonin isagoo ku sugan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa jira warar tilmaamaya in Villa Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku abaabulayso mucaaradka Laftagareen, si ay shirar uga yeeshaan hoteellada Muqdisho una jeediyaan hadallo ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed. Qorshahan ayaa la sheegayaa in uu ku jiro in mucaaradka loo daabulo magaalada Baraawe, halkaas oo lagu qaban doono dhoolatus siyaasadeed.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka ah iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo cabsi laga qabo in isku dhacyo toos ah ay ka dhacaan magaalada Baraawe. Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya suurtagalnimada dagaal dhexmara ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka ah ee halkaas ku sugan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana la sugayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan dhinacyada kala duwan si loo dejiyo xiisadda una badbaadiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM