Villa Soomaaliya oo fahfaahisay safarka Xasan Sheekh ee Tanzania

Image
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka Tansaaniya halkaas oo xarun u ah Dallada Bulshada Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal, taas oo ay ka mid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika oo dalka Tansaaniya ay ka mid ahaayeen dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Daaru-salaam waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM