Villa Soomaaliya oo fahfaahisay wadahadalka Xasan Sheekh iyo Erdogan

Image
Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa telefoon kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Wadahadalkooda ayaa xoogga saaray xiriirka dhow ee labada dal, muhiimadda ay leedahay nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka.

Labada Madaxweyne ayaa mar kale adkeeyey istarataatiijiyadda iskaashiga labada dal, gaar ahaan iskaashiga difaaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay doorka Turkiga ee dhiirrigelinta wadahadallada nabadeed ee lagu xallinayo caqabadaha horyaalla gobolka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay in Soomaaliya ay soo dhawanayso dadaallada Turkiga ee waanwaanta iyo wada-xaajoodka ay garwadeenka ka yihiin ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo adkeeyay in iskaashi kasta uu ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada, iyo xuduudaha qaranka Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga iyo nidaamka caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM