Wadahadalada Itoobiya iyo Soomaaliya oo mar kale ka dhacaya Turkiga

Image
Waa markii saddexaad oo ergada labada dal ay is arkayaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu waddaa in mar kale ay 17-ka bishan wadahadalo ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Waa markii saddexaad oo ergada labada dal ay is arkayaan iyada oo horey ugu kulmay magaalooyinka Nairobi iyo Ankara.

Wadaxaajoodyadaas ayaa fashilmay markii Itoobiya ay ku adkeysatay in aysan ka laaban doonin isfahamkii ay la gashay maamulka gooni-isu-taagga Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM