Wadamada G7 oo war ka soo saaray heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland

Image
Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay heshiiska beenaadkii dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan.

Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Jaban, Boqortooyada UK, Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarida dagaalka socda ee ka dhanka ah AS, iyadoo dhanka kale wasiiradu ay soo dhaweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM