Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Image
Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

London (GO) - Suxufiga caanka ah ee Rageh Oomaar ayaa xalay xanuunsaday xilli uu warar ka akhrinayay warbaahinta Ingiriiska laga leeyahay ee ITV News, isaga oo isla markii lala cararay isbitaalka.

Rageh ayaa tafaftire ka ah TVga ITV isla markaana soo saara barnaamij ay ku xiran yihiin dawadayaal badan.

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan, ka dib markii la marsiiyay baaritaano guud, sida uu hadalka u dhigay Afhayeen u hadlay TV-ga ITN.

Afheyeenka ma uusan shaacin waxa keenay xanuunka kadiska ee u soo booday Rageh Oomaar.

Wariyaha ayaa lagu bartay duullaankii 2003dii uu Maraykanku ku qaaday dalka Ciraaq, isaga oo ka mid ahaa weriyeyaashii ee u bareeray soo tebinta dagaalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM